(Sawirro) Xildhibaano diidanaa doorashada Galmudug oo la kulmay Madaxweyne Qoor-qoor

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta gaaray xubno ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday Doorashada Galmudug ka dhacday dhowaan. iyagoo la kulmay Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Xildhihaan Mahad Salaad, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo xubno kale

Qaar ka mid ah xildhibaanadan ayaa sheegay in ujeedada ay Dhuusamareeb u tageen ay tahay sidii loo dhameystiri lahaa wada-hadalo socdey oo ku saabsanaa xal ka gaarista khilaafka ka dhashay doorashada Galmudug, iyagoo xusay in inta badan xal laga gaarey arrimihii jirey, ayna go’aansadeen inay u tanaasulaan Shacabka Galmudug.

Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ayaa sheegay inuu kulankaan gogol xaar u yahay dib u heshiisiinta Galmudug.

“Kulan gogol xaar iyo dib u heshiisiin Galmudug ah oo maanta aan ku soo gaarnay magaala Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb.” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula kulmay Xarunta Madaxtooyada Galmudug Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliyeed oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug. Kulanka ayaa ahaa mid miro dhal ah” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -